SAWIRO:- Diyaarad ku burburtay Waddanka Tanzania

Bulsha:- Diyaarad rakaab ah ayaa ku burburtay harada Victoria ee dalka Tanzania xilli ay isku dayday in ay ku degto garoon diyaaradeed oo ku yaala magaalada Bukoba, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Tanzania ee TBC.

TBC ayaa sheegtay in 15 qof la soo badbaadiyay ilaa hadda balse lama oga inta rakaab ah ee la socotay diyaaradda Precision Air iyo haddii ay jiraan wax dhimasho ah.

Diyaaradan oo ka soo duushay magaalada caasimadda ah ee Dar es Salaam, ayaa “ku soo dhacday harada Victoria subaxnimadii saaka, waxaana sababay duufaano iyo roobab mahiigaan ah”, sida ay sheegtay TBC.

Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan ayaa ku baaqday in la is dejiyo, iyadoo uu socdo gurmadka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment