New York oo $36 milyan siinaysa laba nin oo si khaldan loogu xiray dilkii Malcom X

Bulsha:- Gobolka iyo magaalada New York ayaa bixinaya lacag magdhow ah oo gaadhaysa illaa $36 milyan oo dollar, iyada oo la siinayo laba nin oo si khalad ah loogu xukumay inay dileen Malcolm X oo ahaa halyey u dhaqdhaqaaqa xuquuqda madaniga ah, kaas oo la dilay sannadkii 1965-kii. Ka dib markii dib loo eegay kiiskooda ayaa sannaadkii hore waxaa la caddeeyey inaanay ku lug lahayn dembiga loo xidhay.

Magaalada New York ayaa bixinaysa $26 milyan, halka gobolka New York uu isaguna bixin doono $10 milyan sida uu sheegay David Shanies oo ah qareenka u doodaya labadan nin.

Labada nin oo lagu kala magcaabo Muxammad Aziz iyo Khalil Islam ayaa mar walba waxay ku adkaysan jireen inaanay wax dembiya gelin, hase ahaatee cidina dheg jalaq uma siin.

Muxammad Aziz oo da’diisu ahayd 84 jir ayaa geeriyooday sannadkii 2009.

Garsooraha dib u eegay kiiskooda ayaa meesha ka saaray xukunnadii hore ee raggan lagu soo oogay, ka dib markii uu helay caddaymo cusub oo muujinaya inay jirtay cago juglayn loo geystay qaar ka mida markhaatiyadii, iyo inaan si hufan loosoo bandhigin caddaymihii la hayey, intii ay socotay maxkamadayntu.

Nimankan ayaa tobanaan sano xabsiga ku qaatay, iyada oo la sii daayey 1980-meeyadii.

Lacagta magdhowga ah, waxaa si siman loogu qaybiyey labada nin ee kiiskan sida khaladka ah loogu xukumay.

Macolm waxaa sannadkii 1965 lagu toogtay gudaha magaalada New York.




Qaybo ka mida warbixintan waxaa laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AP










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment