Ciidamo Milatari ah oo dhiig u shubaya shacabkii ku dhaawacmay Qaraxyadii Soobe (Sawirro)

Bulsha:- Cutubyo katubyo katirsan milatariga Soomaaliya ayaa isbitaalada magaalada Muqdisho qaarkood u tagay in ay dhiig u shubaan shacabkii ku dhaawacmay qaraxyadii xooganaa ee shalay ka dhacay isgooska Soobe.

Ciidankan milatariga katirsan oo ay horkacayaan saraakiil ciidan ayaa la arkayay iyaga oo safaf dheer ugu jira in dhiigooda u shubaan dadka dhaawacyada culus qaba ee u baahan in lagu shubo dhiig degdeg ah.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysa ayaa sheegay in ciidanka diyaar u yihiin in shacabka Soomaaliyeed dhiigooda u huraan sidoo kale u shuibaan dhiigooda marka loo baahdo, waxa ayna xuseen in mar walbo garab taagan yihiin dadkooda.


Qaraxyadii shalay ka dhacay isgooska Soobe ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 100-qof halka ay ku dhaawacmeen boqolaal qof oo kale, kuwaa oo qaarkood dhaawacyo culus qaba un abaahan in caafimada dibadda ah loo qaado.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment