Muuse Biixi” Ma aqbaleyno in deeqaha Caalamka naloo soo mariyo dowladda Soomaaliya”

Bulsha:- Madaxweynaha  Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo uu wehlinayo wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland ayaa maanta waxaa uu habka maqalka iyo muqaalka ah (Video Conference) kulan ku-layeeshay Safiirka Ingiriiska iyo ku simaha Safiirka Maraykanka.

Ugu horayn, Madaxweynuhu waxa uu uga waramay safiiradda xaaladda guud ee abaaraha ka jira Somaliland, taas oo lagu qiyaasay in dad gaaraya hal milyan iyo bar (1.5 M) qof ay u baahan yihiin gargaar bin’aadanimo, waxaanu madaxweynuhu si qoto dheer uga hadlay in taakulada caalamiga ah ee loogu talo-galay Somaliland aanay noqon mid loo soo mariyo cid kale ee lagu saleeyo qorshaha Somaliland.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyey hawlaha doorashooyinka ee socda; sida tartanka ururada siyaasada iyo qabsoomida doorashooyinka kusoo foolka leh. Sidaa darteedna ay xukuumaddu diyaarisay kharashka ku bixi-doona diiwaangelinta iyo doorashooyinka.


Ugu danbayntii safiiradu waxay madaxweynaha uga mahadnaqeen kulanka ay la qaateen, waxaanay balan qaadeen inay Somaliland si dhaw ula shaqayn doonaan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment