Liiska musharaxiinta Soomaalida ah ee ku guuleystay doorashooyinkii Mareykanka

Bulsha:- Doorashadii xilliga dhexe ee Mareykanka ee xalay dhacday waxaa ka qeybgalay musharraxiin Soomaali-Mareykankan ah, kuwaas oo u tartamay xilal kala duwan oo heer degmo, gobol iyo Federaal ah.

Gobolka Minnesota waxaa ka tartamay ilaa 12 musharax, waxaana guuleystay siddeed ka mid ah, kuwaas oo kala ah;

Ilhan Cumar oo markii saddexaad ku guleysatay doorashada kuriga degmada shanaad ee gobolka Minnesota ee Congress-ka Mareykanka.

Maxamuud Nuur, Hodan Xasan iyo Samakaab Xuseen oo loo doortay wakiillo ka tirsan aqalka hoose ee gobolka Minnesota.

Zayban Maxamed ayaa iyana noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali iyo madow ah oo ka mid noqota Aqalka Sare ee Senate-ka gobolka Minnesota. Waxay sidoo kale noqotay gabadhii ugu da'da yareyd ee ka mid noqda aqalkaas, halkan Cumar Faatax isna dib loogu soo doortay kursigiisii Aqalka Sare.

Fathia Feerayare iyo Cabdul Cabdi ayaa iyagana loo doortay guddiga iskuullada magaalada Minneapolis.

Gobolka Ohio, Ismail Mohamed iyo Munira Abdullahi ayaa ka mid noqday golaha wakiillada gobolkaas.


Gobolka Maine waxaa Aqalka Sharcidejinta kusoo baxay laba gabdhood oo Soomaali ah, kuwaas oo kala ah Maana Cabdi oo aan lala tartamin iyo Deeqa Dhalac, kuwaas oo kusoo baxay doorashooyinkiii ka dhacay magaalooyinka Portland iyo Lewiston.

Deeqa Dhalac ayaa hore u soo noqotay gabadhii ugu horeysay ee Soomaali ah oo duq magaalo ka noqotay Mareykanka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment