Taliska Ciidanka xoogga dalka oo sheegay inay la wareegeen degaanka Masaajid Cali Gaduud

Bulsha:- Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dadka degaanka oo iskaashanaya ayaa waxaa la sheegay inay saaka ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta degaanka Masaajid Cali gaduud ee Gobolka Shabeellaha dhexe, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay lagu hardamayay gacan ku heynteeda.

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa warbaahinta Ciidamadda u xaqiijiyay inay Ciidamada  xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay si buuxda gacanta ugu dhigeen degaanka Masaajid Cali-gaduud ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Ciidamada ay howlgallo miina baaris ah oo ay ka sameeyeen gudaha degaanka Masaajid Cali gaduud ay qaarkood qarxiyeen kuwana kasoo saareen, kuwaas oo ay ku Aaseen Al-Shabaab.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa jirtay duqeyn xoogleh oo diyaaradaha turkiga ay ka geysnayeen degaanka Masaajid Cali Gaduud, taas oo keentay in Al-Shabaab ay degaanka isaga baxeen, waxaana dagaal muddo saacado badan qaatay uu degaanka masaajid Cali Gaduud ka dhacay 1-kii Bishaan.


Degaanka Masajiir Cali Gaduud oo ah degaanka istiraatiiji ah ayaa sidoo kale difaac u ah degmada Aadan yabaal oo ah fariisinka ugu Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyada oo Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ee hubka qaatay ay Maanta howlgallo ka wadaan gudaha iyo degaanka Masaajid Cali Gaduud.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment