Khasaaraha qaraxyadii zoobe oo korodhay iyo meydad saaka la soo saaray.

Bulsha:- Dhaawaca iyo dhimashada ka dhashey qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa sii kordhaya daqiiqadba daqiiqadda ka danbeysa.

Tirada dhimashada, ayaa haatan mareysa boqol qof, halka dhaawacuna uu gaarayo ku dhawaad saddex boqol.

Kooxaha gurmadka deg degga ah, ayaa wali waxey wadaan iney gargaar u fidiyaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii ka dhacay shalay magaalada Muqdisho.

Kooxahani, ayaa ka cabsi qaba iney jiraan dad ku hoos jira burburka dhismayaashii ku dumay shalay qaraxyadii ka dhacay Soobe.


Goobihii ay qaraxyadu ka dhaceen, ayaa waxaa ka muuqda burbur aad u xoog badan, waxaana saaka ku xoomay shacab badan oo baadi goob ugu jira eheladooda oo ay Isbitaalada ka soo waayeen.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment