Australia: Shirkad laga xaday xogta 10.2 milyan oo ka mida macaamiisheeda iyo FBI-da oo gacan ka siinaysa baadhista

Bulsha:- Dawladda Australia ayaa ka codsatay hay’adda dembibaadhista ee Maraykanka ee FBI inay ka gacan siiso sidii loo soo qaban lahaa budhcadda computer-ada jabsata, kuwaas oo dhowaan u dhacay ama jabsaday computer-ada dalka Australia, isla markaana ka xaday xogtii ugu badnayd.

Budhcadda internetka ayaa jabsaday computer-ada shirkada isgaadhsiinta Optus ee laga leeyahay dalka Singapore, iyaga oo ka xaday macluumaadka illaa 10 milyan oo macaamiil ah, waxaana xogta ay xadeen ku jira cinwaanada guryaha, xogta liisanka gaadiidka iyo macluumaadka baasaboorada ee macaamiishaas.

Kooxaha budhcadda internetka ee xaday macluumaadka macaamiisha shirkadda Optus ee ka hawlgasha Australia ayaa shirkaddaas waxay markii hore weydiisteen lacag madax furasho ah, iyaga oo hanjabaado kala duwan u soo diray.

Hase ahaatee waxaa baraha isgaadhsiinta bulshada lagu arkay, raali gelin laga bixiyey weerarkaas, iyada oo qofka raaligelinta bixiyey uu u muuqday inuu xubin ka ahaa budhcadda weerarka geysatay.

"Dad badan ayaa isha ku haya," sidaas ayuu soo qoray. "Qofna ka iibin mayno xogta. Waan ka xunahay in illaa 10.2 milyan oo qof oo Australian ah in xogtooda la faafiyay. Madax furasho lama bixin, laakiin dan iyo hello toonna kama gelayno mar dambe."


Dowladda Australia ayaa canaan u soo jeedisay shirkadda Optus oo ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ee ugu waaweyn dalkaasi. Wasiirka amniga internetka ee Australia, Clare O'Neil, ayaa sheegtay in shirkaddu ay u fududaysay tuugta inay gudaha u galaan computer-adeeda.

“Waxaan ka walaacsannahay sida fudud ee loo dhex galay shirkadda Optus” ayay tidhi wasiirku, iyada oo hadalkeeda sii raacisay “ma ha inay dalkan ka hawlgalaan shirkado isgaadhsiineed oo daaqad u furaya kooxaha computer-ada jabsada, si ay u xadaan xogta macaamiisha”

Hase ahaatee mada fulinta ee shirkadda Optus Kelly Bayer Rosmarin, ayaa beenisay in hannaanka difaaca ee shirkaddeedu inuu daciif yahay. Waxay sheegtay inay jiraan nidaamyo kala duwan oo kala sarreeya oo lagu ilaaliyo xogta macaamiisha.

Hay’adda FBI ayaa haatan ku soo biirtay, ugaadhsiga kooxda budhcadda ah ee shirkadda jabsatay.

Frank Montoya Jr, oo horey uga tirsanaan jiray hay’adda FBI-da, ayaa u sheegay Australian Broadcasting Corp. inay suuro gal tahay in dowlad shisheeye ay ku lug yeelan karto weerarka.

“Waxaan isha ku haynaa inaan go’aan ka gaadhno, haddii ay dawlad ajnebi ahi ku lug leedahay weerarka iyo inkale”.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment