Maraykanka oo qaadanaya 125,000 oo qaxooti ah, iyo meelaha uu ka qaadanayo

Bulsha:-  Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa Arbacadii si rasmi ah u shaaciyey tirada qaxootiga ee Maraykanku uu qaadanayo sannad miisaaniyadeedka 2023, tiradaas oo gaadhaysa illaa 125,000 oo qaxooti ah.

Biden ayaa waxa uu cadaadis xooggan uga yimi kooxaha u dhaqdhaqaaqa arrimaha qaxootiga, iyaga oo madaxweynaha ku cadaadinayey inuu kor u qaado tirada qaxootiga uu Maraykanku qaato sannadkii, si loo daboolo baahida jirta.

Kooxaha u dooda qaxootiga ayaa ku cadaadinaya maamulka Biden inuu wax badan ka qabto, Barnaamijka Qaabilaadda Qaxootiga ee Maraykanka, iyada oo si weyn loo dhimay tirada qaxootiga ee Maraykanku uu qaato sannadkii, intii uu xilka joogay madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump. Waxaana tirada qaxootiga uu Maraykanku qaato ay gaadhay illaa 20,000 sannadkii.

Sannad miisaaniyadeedka Maraykanka ayaa dhammaanaya maalinta Jimcaha ee foodda innagu soo haysa.

Qoraal ka soo baxay Aqalka Cad oo lagu faahfaahiyey meelaha uu Maraykanku qaxootiga ka soo qaadanayo sannad miisaniyadeedka 2023, ayaa lagu sheegay in qaaradda Afrika laga soo qaadayo illaa 40,000 oo qaxooti ah, iyada oo dalalka ku yaalla Bariga dhow iyo Woqooyiga Aasiya loo qoondeeyey illaa 35,000, halka dalalka ku yaalla Bariga Aasiya, Yurub, Badhtamaha Aasiya iyo Latin America loo qoondeeyey min 15,000.
U.S. President Joe Biden speaks during an event at the White House, Sept. 27, 2022, the same day he formally kept the nation's cap on refugee admissions at 125,000 for the 2023 budget year,

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in illaa 5,000 oo qaxooti ah in lagu calaamadiyey inay yihiin qoondo kayd ah.

Associated Press











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment