António Guterres oo si adag u cambaareeyay weerarradii Al-shabaab ee ka dhacay Beledweyne

Bulsha:- Xoghayaha Guue ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa si adag u cambaareeyay weerarradii Al-shabaab ee magaalada Bedelweyne, kuwaas oo ay ku dhinteen inta la xaqiijiyay 22 qof, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacan tahay.

Afhayeenka Xoghayaha Guudd Stethane Dujarric ayaa sheegay in Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay iyo sidoo kale dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay inay ka go’an tahay Qaramada Midoobay inay la shaqeyso hay’adaha gobolka iyo kuwa kale ee caalamiga ah si ay u taageeraan dadka iyo dowladda Soomaaliya ee uu jiheystay dhismaha dal nabad ah.

Saddexda ee ka dhacday Beledweyne waxaa loo adeegsaday saddex baabuur kala duwan, waxaana fuliyey shaqsiyaad is-miidaamiyey.

Dadka ku dhintay qaraxyadan waxaa ka mid ah wasiirkii caafimaadka HirShabelle Zakariye Hurre iyo guddoomiye ku xigeenkii gobolka Hiiraan Abuukar Sheekh Maadey.


Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan, waxaana afhayeenka maleeshiyada kooxdan Cabdicasiis Abuu Muscab uu sheegay inay ahaayeen kuwa is-miidaamin ah.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment