Xamaas oo daldashay rag lagu tuhmay iney la shaqeynayeen Israa’iil

Bulsha:- Labo nin oo Falastiini ah, oo lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen Israa’iil, ayaa lagu toogtay Marinka Gaza, sida ay sheegtay maamulka wasaaradda arrimaha gudaha ee Xamaas ay maamusho.

Bayaanka laguma cadeyn raggan la laayey, waxaase lagu sheegay magacyadooda koowaad iyo da’dooda, halka bayaanku uu tilmaamay inay dusiyeen xog horseeday in la laayo dad Falastiiniyiin ah.

Saddex kale, ayaa sidoo kale lagu fuliyay xukun dil ah, iyadoo iyana lagu eedeeyay dil.

Hey’adaha Xuquuqul Insaanka, ayaa horey u cambaareeyay xukunada noocaan ah oo ay fulinayaan Xamaas, kuwaasoo ah kooxda xagjirka ah ee Maamusha Gaza.

Tan iyo sanadkii 2007-dii, oo aheyd markii ay la wareegeen gacanta ku haynta Gaza, maamulka Xamaas, ayaa fuliyay ugu yaraan 27 xukun dil ah, oo uu ugu dambeeyay bishii Abriil sanadkii 2017-dii.


Labada nin ee lagu eedeeyay iney u basaasayeen Israa’iil, ayaa la xiray sannadihii 2009-kii iyo 2015-tii, waxaana “maxkamad ku xukuntay qiyaano qaran, iyo inay la shaqeeyeen shisheeye” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha.

Afar ayaa la daldalay, midna waxaa lagu fuliyay dil toogasho ah, sababtoo ah waxa uu ahaa booliis, ayaa la raaciyey warkii lasoo saarey.

Ilo ammaan, ayaa BBC-da u sheegay in mid ka mid ah dadka la toogtay uu ahaa booliis katirsan dagaal yahanada Xamaas, kaasoo hubkiisa u adeegsaday dilka soddoggiis iyo gabadh 13 jir ah, kadib muran qoys oo soo kala dhex galay bishii July ee lasoo dhaafay.

Dambiyadaas ayaa waxaa ka dhashay bannaanbaxyo ka dhacey deegaanka Beyt Laxiya ee waqooyiga Gaza, iyadoo intii ay socdeenna la gubay guryo iyo dukaamo.

Israa’iil ayaa waxay qabsatay Marinka Gaza intii lagu jiray dagaalkii Bariga Dhexe ee sanadkii 1967-dii. Sannadkii 2005-tii, ayaa waxay kala baxday Israa’iil ciidamadeedii Marinka Gaza, iyo illaa 7,000 oo qof oo la dajiyey goobtani.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment