TopNews:- Xeel dheerayaal dhanka amniga ah oo xog cusub kasoo saaray dagaalka ku socda Al shabaab

Bulsha:- Dowladda Soomaaliya ayaa qaadey tallaabo lagu bogaadiyay oo dhanka dagaalka Al-Shabaab, iyadoo kaashanaysa shacab ka dhamaadey dulqaadka dhibaatada Kooxda.

Ciidanka dowladda iyo dadka degaanka oo is-abaabulay ayaa ka saarey Al-Shabaab inta badan degaanadii ay ka joogtay gobollada Dhexe, gaar ahaan Hiiraan iyo Galgaduud, iyadoo howlgalka lagu dilay boqolaal dagaalyahan, sida ay sheegtay Wasaaradda Warfaafinta.

Taliyaha Ciidanka Jen Odowaa ayaa shaaciyay in wajiga 1aad ee howlgalka uu soo idlaadey, islamarkaana midka 2aad ay ka billaabi doonaan Baay iyo Bakool, oo kamid ah meelaha Al-Shabaab go’doomin ku hayso, oo dadka degmooyinka dowladda maamusho u diiday inuu gargaarka bini’aadanimo iyo badeecooyinka ganacsiga u gaaro dhanka dhulka.

Dadka darsa amniga waxay sheegeen in tallaabadan ay tahay mid billow u ah dhamaadka Al-Shabaab, balse waxay ka digeen in dowladda gacanta kusii hayn wayso meelaha la xoreeyay, oo u baahan xasilin iyo in la geeyo boolis suga amniga, loona dhiso maamulo maxali ah.

Qorshaha MW Xasan Sheekh ayaa ah inuu hal sano kusoo afjaro Al-Shabaab, taasoo hadii ay dhacdo gali doono Taariikhda baal dahab ah, isagoo noqon doono Madaxweyne lagu xasuusan doono xoreynta wadanka.

Ciidanka dowladda waxay hadda haystaan taageero badan, oo uga imaanaysa Mareykanka, dadka degaanka iyo ATMIS, waxayna sameynayaan horumaro xowli ah, oo degaanno kula wareegayaan, iyadoo Xildhibaanno ay safka hore ee dagaalka kula jiraan, si ay niyadda ugu dhisaan.

 

Goobihii ugu dembeeyay ee laga saarey Al-Shabaab waxaa kamid ah  Ceel-Heley, Nuur Fanax, Beerxano, Aboorey iyo Booco, oo bariga Beledweyne ku yaalla, iyadoo dhanka Galgaduud ay Ciidanka kaabiga ku hayaan degmada Ceel-Buur.

Al-Shabaab ayaa sanado badan dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay, waxaana ay weeraro isdaba joog ah ka fuliyeen goboladda kale iyo Muqdisho.

Muqdisho-Somalia










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment