Muhaajiriin Soomaali u badan oo ka baxay Turkiga oo lagu la'yahay xeebaha Giriigga

Bulsha:- Maraakiibta ilaalada xeebaha Giriigga ayaa baadigoob ugu yaraan lix muhaajiriin ah oo lagu la’yahay jasiiradda Leros, sida ay sheegeen saraakiisha xeebaha dalkaas oo sidoo kale baaraya shil kale oo la rumeysan yahay inuu kaas ka dambeeyay.

Booliska Dekadda ee xeebta Leros ayaa helay 49 tahriibayaal Afrikaan ah, iyada oo sidoo kale doontii ay wateen ee macmalka aheyd laga helay badda dhexdeeda, sida uu AFP u sheegay afhayeen u hadlay ilaalada xeebaha.

Dadka la badbaadiyay oo u badnaa Sierra Leone, Soomaali iyo Uganda, ayaa saraakiisha u sheegay in 55 qof ay la socdeen doonta. War kasoo baxay ilaalada xeebaha ayaa lagu sheegay in la billaabay howlgal samatabixin ah.

Waxay hawlgal labaad ka bilaabeen Pylos, oo ah meel ka baxsan xeebta koonfur-galbeed ee Giriigga, kadib markii laba markab oo ganacsi ay u gurmadeen 85 tahriibayaal ah oo la socday doon macmal ah oo dhibaato la soo deristay.

Maraakiibta ilaalada xeebaha ayaa bilaabay inay raadiyaan cid kasta oo laga yaabo in weli biyaha ku jirto, sida lagu sheegay bayaankan. Dadka la badbaadiyay ayaa la geeyay Kalamata oo ah dekedda ugu dhow.


Safarka halista ah ee kasoo gudbaya badda Aegean ee xeebta galbeedka Turkiga ilaa bariga Giriigga ayaa galaaftay nolosha tobannaan muhaajiriin ah sanadihii la soo dhaafay.

AFP.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment