Sheekh Yuusuf al-Qaradawi oo geeriyooday isagoo 96 jir ah+Taariikhdiisa.

Bulsha:-  Sheekh Yuusuf al-Qaradawi oo ka mid ahaa culimada ugu caansan Islaamka, ayaa maanta geeriyooday isaga oo 96 jir ah, sida lagu sheegay qoraal lasoo dhigay bartiisa rasmiga ah ee twitter-ka.

Sheekh Yuusuf al-Qaradawi, oo u dhashay dalka Masar, islamarkaana ahaa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee ururka Ikhwaanul Muslimiin ayaa sanadihii dambe waxa uu fadhiggiisu ahaa dalka Qatar.

Sheekha ayaa aad u dhaliili jiray madaxweynaha Masar Cabdifataax al-Sisi.

Al-Qaradawi ayaa dibad-joog ahaan ugu noolaa dalka Qatar wixii ka dambeeyey markii militariga Masar ee uu hoggaaminayey al-Sisi ay afgambiyeen dowladdii ay hoggaaminayeen Ikhwaanul Muslimiinka.

Al-Qaradawi ayaa waxaa la maxkamadeeyey oo xukun lagu riday isaga oo ka maqan Masar.

Waxa uu barnaamij caan ah ka qaban jiray taleefishinka Al-Jazeera isaga oo ka hadli jiray arrimo siyaasadeed oo muran badan.

Waxa uu taageeray weerarada ismiidaaminta Falastiiniyiinta ee ka dhanka ah Israel, wuxuuna sidoo kale taageero u muujiyey kacdoonkii Ciraaq ka qarxay markii Mareykanka ay duulaan ku qabsadeen 2003.

Hase yeeshee waxa uu sidoo kale taageeray markii ururka Ikhwaanul Muslimiin ay ka qeyb-galeen doorashooyinkii Dimoqraadiga ee Masar ka dhacay kadib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Xosni Mubarak.

Al-Qardaawi wuxuu aad u dhaliili jiray kooxaha xagjiriinta ah, sida kooxda Daacish.


Dalalka Baxreyn, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa Al-Qaradawi ku daray liiska ururada iyo shaqsiyaadka argagixisada ee 2017-kii ay dartood xiriirka ugu jareen Qatar. Qatar waa ay beenisay eedaymahaas










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment