Deg deg :- Taliye Ka Tirsan Ciidanka Dowladda Oo Lagu Dilay Qarax Lagula Eegtay Hiiraan

Bulsha:- Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa goor dhow ka dhacay inta u dhexeeysa deegaanada Halgan iyo Garasyaani ee Gobolka Hiiraan, sida ay sheegayaan wararka Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyno halkaas.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa lala eegtay gaari Tikniko ah oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga qeybta 27-aad, waxaana Ciidanka saarnaa gaariga kamid ahaa Taliyahii Seedka Guutada 5-aad qeybta 27-aad ee Xooga Dalka Col. Barre Ceyrow.

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu ku dhintay Taliyahii Seedka Guutada 5-aad qeybta 27-aad Barre Ceyrow, kaasi oo kamid ahaa Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkii lagula wareegay degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Askar kale oo saarneyd gaariga ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxa ka dhacay inta u dhexeeysa deegaanada Halgan iyo Garasyaani ee Gobolka Hiiraan, Saraakiisha dowladda ayaan weli hadal qaraxa.

Sidoo kala qarax ka dhacay wadada u dhexeeysa Baladweyne iyo degaanka Booco ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo shacab ahaa, sida la sheegay, kuwaasi oo saarnaa Mooto Bajaaj, uuna qaraxu ka dhacay, qaraxa ayaana ahaa miino dhulka lagu aasay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment