Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay xerada ciidamada General Dhagabadan

Bulsha:- Qarax is-miidaamin ah ayaa maanta ka dhacay bannaanka xerada ciidamada Jeneraal Dhagabadan ee degmada Wadajir una dhow Warshaddii hore ee Nacnaca ee magaalada Muqdishu, sidaasi waxaa sheegay goobjoogayaal iyo ilo wareedyo caafimaad.

Qaraxan is-miidaaminta ah ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac. Xogta ay VOA Somali kasoo ururisay ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in qaraxan is-miidaaminta ah ay dad ku dhinteen, kuwo kalena ku dhaawacmeen.

Warbaahinta magaalada Muqdishu qaarkood ayaa tebinaya in ay ku dhinteen ilaa 15 qof, in ka badan 10 kalena ku dhaawacmeen.

Dolwadda Soomaaliya ayaan ilaa hadda xaqiijin tirada dadka ku waxyeelloobay weerarkan.

Ururka Al-Shababa ayaa iyagu sheegtay mas’uuliyadda weerarkan.

Ma aha markii ugu horraysay ee isla nawaaxiga qaraxu ka dhacay ay weeraraan ururka Al-Shabaab iyaga oo horey u beegsan jiray dadka qoranaya askarta dawladda.

Weerarkan ayaa sidoo kale imanaya iyada oo ururka Al-Shabaab toddobaadyadii u dambeeyey uu soo food saaray guluf dagaal oo uga imanaya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, kuwaasi oo ka qabsaday tobannaan tuulo iyo deegaan oo ku yaal gobollada Hiiraan iyo Galguduud.


Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa u sheegay telefiishanka Universal TV in dawladda Turkigu ‘kusoo biirtay’ in ay taageero dhinaca cirka ah siiso ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dawladda Turkiga ayaan weli rasmi ahaan uga hadlin inay taageero cirka ah siiso Soomaaliya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment