Daawo: Sheekh Xasan Daahir oo ku soo biiray dagaalka KHADIIJA DIIRIYE iyo UMAL

Bulsha:- Sheekh Xasan Daahir Aweys oo weli xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho ayaa soo fara-geliyey xiisadda ka dhex-qaraxday wasiirka haweenka xukuumada Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye iyo Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Xasan Daahir Aweys ayaa toos u duray wasiir Khadiija Maxamed Diiriye, isaga oo tilmaamay inay wado fidno, sida uu hadalka u dhigay.

“Waanaagii ayaa inta aad la dirirtaan waxaad dooraneysaan bakhtiga. Fidnada Diinta la fidneeyo ayaa ka fidno badan dilka,” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray “Waxaad wadaan ayaan garaneynaa, meesha ay ka yimaadeen sidaad u socotaan ayaan garaneynaa waxaan qurunkaa naga joojiya”.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sidoo kale ka jawaabayey hadalkii wasiir Khadiija Diiriye ayaa shaaca ka qaaday in eedeymaha ay u jeedisay Sheekh Umal ay iyada lid ku yihiin, isla-markaana ay haatan wax ka wado qaanuun uu sheegay in uu wax u dhinayo Diinta.

“Qanuunka xunka ah ayaad rabtaan inaad ku meel marisaan inta aad qeel-qeelisaan, gabdhaha idinka ayaa dariishadaha kasoo tuura,” ayuu markale yiri Sheekh Xasan.


Dagaalkan oo marba marka dambeysa cirka isku sii shareeya ayaa ka dhashay surwaal ay dhowaan xiratay wasiirka haweenka, kaas oo uu Sheekh Umal wax laga yax-yaxo ku tilmaamay lebiska ay isku soo sawirtay wasiir Khadiija, isagoo tallaabadaas ku macneeyey mid fariin culus xambaarsan oo dhaqanka suuban ee Muslimiinta meel ka dhac ku ah.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment