AL-SHABAAB oo mar kale gubay guryo shaca iyo ceelal

Bulsha:-  Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee maamulka HirShabelle ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay mar kale gubtay guryo iyo ceelal ay leeyihiin dad shacab ah, xilli ay kooxda sii waddo dagaalka shacabka.

Guryaha iyo ceelasha la gubay ayaa waxay ku yaaleen degaanka Ceel-jiqoow oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, waxaana la xaqiijiyey inay kooxdaan gubtay dhammaan guryahihii tuulada ku yaallay.

Dadka degaanka Ceel-jiqoow ayaa waxaa ay warbaahinta u sheegeen in marka hore ay Al-Shabaab ku amreen inay degaanka deg deg uga baxaan, kadibna ay gubeen guryihii.

Sidoo kale, dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey inay kooxdan ay qarax ku bur-burisay halkii  ceel biyood ee ku yaallay deegaanka Ceel-Jiqoow oo dadka iyo xoolaha ka biya cabi jireen.

Dadkii daganaa tuulada ayaa la xaqiijiyey inay gebi ahaanba isaga barakaceen halkaas kadib markii ay soo wajahday duruufo dhanka nolosha ah, maadaama la gubay guryihii ay daganaayeen iyo ceelkii ay biyaha ka cabi jireen.

“Wallaaloow anaga oo guryaheena iska joogna ayay Al-Shabaab nagu amreen inaan isaga baxno, markii aan ka tagnayna waa ay gubeen, ceelkii Biyaha aan ka cabi jirnayna qaraxyo ayey ku burburiyeen, mana aqaano waxa aan ka galabsanay,” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Waa markii labaad oo Al-Shabaab ay gubaan guryo ku yaalla gobolka Hiiraan tan iyo markii uu billowday kacdoonka ka dhanka ah kooxdan oo ay billaabeen dadka deegaanka oo u abaabulan qaab qabiil.

Inta badan deegaanada gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socda kacdoonka ka dhan ah kooxda Al-Shabaab waxaana kooxdaan laga saaray deegaan badan kadib dagaalo dhiig badan ku daatay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ballan qaaday inuu muddo hal sano gudaheed ah uu Al-Shabaab uga ciribtiri doono guud ahaan Soomaaliya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment