ABUJA, NIGERIA:- Tuugo abaabulan oo maalin walba xadda 200,000 oo foosto oo shidaalka ah

Bulsha:-  Agaasimaha maamulka ee shirkadda shidaalka ee dalka Nigeria ayaa toddobaadkan sheegay in maalin walba dalka Nigeria laga xado shidaal gaadhaya illaa 200,000 oo foosto, taas oo ay xadaan tuug ku kala fidsan qaybaha kala duwan ee bulshada, hase ahaatee arrintaas ayaa buuqbadan dhalisay.

Agaasime Mele Kyari ayaa ku eedeeyey Kiniisadaha iyo Masaajidadu inay ka mid yihiin meelaha lagu qariyo shidaalka la xado, hase ahaatee eeddaas waxaa si weyn u diiday masuuliyiinta kiniisadaha iyo culimada masaajidada.

Agaasimaha oo khudbad ka jeediyey shirka toddobaadlaha ah ee ay yeeshaan golaha wasiirada ee ka dhaca xarunta madaxtooyada ayuu ku sheegay in mid ka mida goobaha shidaalka laga soo saaro oo ku taalla dhinaca badda in laga xaday 95% shidaalkii la soo saaray.

Sarkalkan u hadlayey shirkadda shidaalka ee dalka Nigeria ayaa tusaale u soo qaatay in mid ka mida dhuumaha shidaalka qaada oo dhererkeedu yahay illaa 200 KM, in laga dalooliyey illaa 295 meelood, si shidaalka loo xado.

Kyari ayaa sheegay in xatooyada shidaalka ay inta badan geystaan kooxo abaabulan oo mararka qaar la shaqeeya dadka deegaanka. Waxa uu sidoo kale sheegay in culimada, kaniisadaha iyo masaajida ay ku lug lahaayeen xatooyada saliida ceydhiin.

Kyari ayaa sheegay in mas’uuliyiinta ay isku dayayeen in ay wax ka qabtaan dhibaatada, balse waxa uu intaa ku daray in xatooyadu ay adag tahay in la joojiyo.


Agaasimaha ayaa sheegay inay illaa haatan xidheen ama gacanta ku dhigeen illaa 122 qof oo sharciga la horgeyn doono, 11 markab iyo soddon doonyood oo ah nooca dheereeya oo loo adeegsanayey in lagu xado shidaalka. Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay illaa 179 doonyood oo alwaax ka samaysan iyo 37 gaadhi oo ah nooca waaweyn.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment