SAWIRRO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulay Garoowe heshiis la,aan!

Bulsha:- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhoofay caasimadda Puntland ee Garoowe oo maalmihii lasoo dhaafay booqasho ku joogay.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne kuxigeenka Puntland, Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Puntland, Wasiir iyo Xildhibaano ayaa ku sagootiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir.

Xasan Sheekh Maxamuud oo khamiistii soo gaaray Garoowe ayaa intii uu ku sugnaa kulamo xariir ah la qaatay maalmihii hore Madaxweynaha Puntland, kaas oo ay diirada saareen dhameynta madmadowga labada madaxtooyo, kaddib doorashadii Madaxweynaha ee 15kii May, taas oo Siciid Deni ka tirsanayo Madaxweynaha DFS inuu uga baxay ballan ay wada galeen doorashadii kahor.

Sidoo kale, Kulamada labada Madaxweyne ayaa la isla soo qaaday xoojin wada shaqeynta DFS iyo Puntland, mashaariicda iyo dhaqaalaha iyo arrimo kale, kuwaas oo qaarkood lagu heshiin waayay.



Is-faham waaga qodobada qaar ayaa horseeday in Madaxweyne Deni uu iska diido in War-murtiyeed wadajir ah laga soo saaro safarka Madaxweynaha JFS iyo wada-hadalada ay qaateen.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment