Xog Cusub:- Maxkamadeynta Ra’iisul Wasaarihii hore ee XFS “Rooble” oo ka bilaabanaysa Sweden!

Bulsha:- Maxkamad ku taalla dalka Sweden ayaa qabatay dacwad ka dhan ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Sida ay u sheegeen Puntlandtimes Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, Dacwada ayaa waxaa ka gudbiyay Ra’iisul Wasaare Rooble ‘Prof. Cabdiwahab Sheekh Cabdisamad, kaas oo ku eedeeyay Maxamed Rooble inuu ka dambeeyay afduub loogu geystay caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, bishii September, 2021.

Prof. Cabdiwahab Sheekh Cabdisamad ayaa sheegay inuu Maxamed Xuseen Rooble dhaqaale siiyay kooxdii afduubatay oo muddo ku heysay gacanta.

Maxkamadda Sweden ayaa aqbashay qaadista kiiskan, iyadoo lagu wargeliyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee XFS inuu qabsado qareeno difaaca, isagoo aqbalay.

Xogo hordhac ah ayaa sheegaya in dhageysiga gal-dacwadeedka kiiska ka dhanka ah ‘Rooble’ ay maxkamaddu u fariisan doonto todobaadkan.

Maxamed Xuseen Rooble oo 28kii, bishii ‘June’ wareejiyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa heysta dhalashada dalka Sweden oo uu kunoolaa muddo dheer.


Dadaalo looga hortagayay dacwadda Prof. Cabdiwahab ee ka dhanka ah Rooble, la doonayayna in loo galo hab beeleed ayaa guuldareystay, kadib markii uu sheegay in uusan wax lug ah ku laheyn Afduubka Cabdiwahab, uusana diyaar u aheyn in la wada hadal siiyo.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment