Xildhibaanada Mareexaan ee BF oo soo saaray mowqfi ku aadan golaha wasiirada

Bulsha:- Xildhibaanada labada gole ee ku metala beesha Mareexaan-Sade ayaa markii u horeysay shaaciyay inay gebi ahaanba qaadaceen Golaha Wasiirada cusub ee dhawaan uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Qoraal ay si wada-jir ah u soo saareen Xildhibaanada SADE ayaa waxaa lagu sheegay in lagu xad-gudbay awood qaybsiga beesha Daarood habkii soo jireenka ahaa ee awood qaybsiga dhexdooda taasi oo xad-gudubkeedu u muuqdo quursi iyo gaf aan la qaadan karin.

“Xildhibaanada labada gole ee Beesha Mareexaan-Sade, waxay si buuxda u garwaaqsadeen in hanaanka lagu dhisay xukuumadda federaalka Soomaaliya uu yahay mid abaal marsan dastuurka dalka iyo hanaanka awood qeybsiga habka beelaha 4.5 ay Soomaalidu ku heshiisay,” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka “Xildhibaanada labada gole waxay dareen mideysan kusoo jeedinayaan in masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya ay dib u saxid ku sameeyaan hanaanka awood qaybsiga beelaha dhexdooda si shacabka Soomaaliyeed u helaan xukuumad dheelitiran oo ay ku wada qanacsan yihiin.”

Xildhibaanada ayaa waxay ugu baaqeen masuuliyiinta dowladda federaalka iyo xubnaha labada gole in laga fogaa meelna looga soo wada-jeesto waxkasta oo cadaalad darro ah oo halis ku keeni kara geedi socodka dowladnimada Soomaaliya.


Ugu dambeyntiina waxaa war-saxaafadeedka Xildhibaanada SADE lagu taageeray shirka wad-tashiga ah ee ay shalay ku dhawaaqeen madaxweyne ku-xigeenada Jubbaland iyo Galmudug.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment