Maraykanka oo gaadiid dagaal ugu deeqay hawlgalka ATMIS

Bulsha:- Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay ugu deeqday hawlgalka nabad ilaalinta Midawga Afrika ee Soomaaliya ee loosoo gaabiyo ATMIS illaa 24 gaadhi oo ah kuwa gaashaaman. Waxaana deeqdan gaadiidka ahi ay ku soo beegmaysaa, saddex bilood uun ka dib, weerarkii ugu dhimashada badnaa ee muddo sannado ah lagu qaado hawlgalka ATMIS ee taageerada ka hela Maraykanka.

Wareejintan oo ay goob joog ka ahaayeen safiirka dalka Mareykanka u jooga Soomaaliya Larry Andrè iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS ayaa maanta oo Khamiis ah ka dhacday magaalada Muqdisho.

Gaadiidkan dagaalka ee loogu deeqay hawlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya ayaa la rajaynayaa inay kor u qaaddo awoodda ay u leeyihiin la dagaalanka kooxda xagjirka ah ee al-Shabaab.

Gaadiidkan gaarka ah ee Maraykanku ku deeqay, waxaa isticmaali doona ciidamada dalka Djibouti ee ka hawlgala magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Danjiraha Maraykanka u jooga Soomaaliya Larry Andre ayaa sheegay in gaadiidkan ay wareejiyeen uu awood u leeyahay inuu iska difaaco miinooyinka waddada hareeraheeda lagu aaso.

“Sida aan u muujinayno taageeradayada, waxaa ka mid ah, inaan ku taageernay hawlgalka nabad ilaalinta Midawga Afrika ee Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada Djibouti, gaadiidkan oo ka caawina inaanay waxyeello soo gaadhin marka ay ku safrayaan waddooyinka, taasoo marar kala duwan waddahada hareeraheeda lagu aaso miinooyin halis ah oo waxyeello soo gaadhsiinaya dhinacyada u yimi inay Soomaaliya caawiyaan” ayuu yidhi danjiruhu.




Sarkaal sare oo ka tirsan Midowga Afrika oo lagu magcaabo Fiona Lortan, ayaa sheegtay in qalabka milaterigu uu soo gaaray waqti ku habboon, iyadoo howlgalka uu dib u habeyn ku sameynayo ciidamadooda iyo qalabkooda.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment