Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo xaqiijisay in 21 qof ay ku dhinteen weerarkii hotel Xayaat

Bulsha:- Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan 21 qof ku dhinteen weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen hoteelka Xayaat, waxayna intaas ku dartay in weerarkan ay ku dhaawacmeen 117 qof oo 15 ka mid ah dhaawacoodu culus yahay.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay inay suuragal tahay inay dhimashadu intaas ka badan tahay lagana yaabo in dadka qaar ay maydka ehelkooda aasteen ka hor inta aysan gaynin cisbitaallada.

Goor hore oo maanta ah ayaa ciidamada booliisku sheegeen in lasoo af-jaray hawlgalkii, iyadoo lasoo badbaadiyey 106 qof.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment