Beel kaliya oo ay 11 qof ugu dhinteen weerarka Hotel Xayaat

Bulsha:- Weli waxaa marba marka ka dambeeyo isisoo tarayo khasaaraha ka dhashay weerarkii lagu qaaday Hotel Xayaati ee Magaalada Muqdisho kaasoo weli lasoo afjari la’yahay.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimow oo qoraal kusoo qoray bogiisa Facebook ayaa soo bandhigay khasaaro weerarkaas kasoo gaaray beelaha Soomaaliyeed qaarkood.

Macalimow ayaa sheegay in tolkiisa uu khasaare xoog leh kasoo gaaray weerarkaas, wuxuuna soo bandhigay illaa 11 qof oo sagaal kamid ah ay kasoo jeedaan hal beel.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka Macalimow

Tolka qasaare ba’an ayaa ka soo gaaray weerarka hotel Xayaat.

Inta dhimatay Allaha u naxariisto inta dhaawaca ah Eebe ha bogsiiyo, runtii waa dhacdo xanuun badan oo ay naftooda ku waayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Gugundhabe 11

Baadicadde 9

Jidle               2

1.Xaji Bashir X.Suleymaan Muxumed

2.C/rashiid Cabdi Axmed

3.Shahiid Axmed Cumar

4.Axmed C/aahi Ibrahim

5.C/aahi Abiib Maxumed

Wa kuwaa Magacyada Oo Dhameystiran

6 Maryan Shiikh Cali

7 Abdirashid Nuunow

8 Yusuf Mahad Barrow

9 Ahmed Cali Xaaji

10 Nasra Ahmed Cali (Nasra Shiine)

11 Seynab Abdi Maqaar

Waxa intaa dheer in kaloo dhaawac ah oo cisbitaalada la dhigay oo Eebe uga baryeyno inuu bogsiiyo.

Waxa aan u mahad celinayaa Ciidamada Amaanka oo tiro kale oo ay ku jiraan dad wax gal u ah beesha soo badbaadiyay.

Dadkaas waxa dilay gacan ka xaq daran , waqtigooda ayaa inta ku ekaa , Ilaah waxa aan uga rajeyneynaa Jannatul Fardowsa

Waxa aan sidoo kale tacsi u dirayaa dhamaan inta ku dhimatay weerarkaas oo ay ku jiraan rag aan saaxiibo aheyn oo isla soo kornay.

Innaa Lilaah Waa Innaa Ileyhi Raajicuun.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment