Turkey iyo Israel oo dib usoo celinaya xiriirkooda diblomaasi

Bulsha:- Israel ayaa si buuxda dib ugu soo celineysa xiriirka diblomaasi ee Turkey, waxaa sidaas maanta ku dhowaaqay xafiiska ra’iisul wasaare Yair Lapid, kadib sanado uu xumaa xiriirka labada dal.

“Waxaa la go’aansaday in mar kale heerka xiriirka labada dal la gaarsiiyo xiriir diblomaasi oo dhameystiran, lana soo celiyo safiirrada iyo qunsullada labada dal,” waxaa sidaas lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska Lapid.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyey isfahamka diblomaasi ee labada dhinac wuxuuna ku qeexay “hanti muhiim u ah xasilloonida gobolka iyo war wanaagsan oo dhaqaale oo ay heleen shacabka Israel.”

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in labada dal ay dib u magacaabayaan safiirradooda.

“Magacaabista safiirrada waxay aheyd mid ka mid ah tallaabooyinka soo celinta xiriirka. Tallaabadan togan waxay ka timid Israel ayada oo ka dhalatay dadaallada, Turkey ahaanna waxaan go’aansanay inaan safiir u magacowno Israel iyo Tel Aviv,” ayuu yiri Cavusoglu.

“Waxaan hadda billaabeynaa hanaanka aan ku go’aamineyno qofka aan magacaabeyno.”

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Turkey “aysan ka tanaasuli doonin qadiyadda” Falastiin inkasta oo ay dib usoo celineyso xiriirka Israel.

Go’aanka ayaa yimid kadib bilo ay socdeen dadaallo lagu hagaajinayo xiriirka labada dal oo xumaaday 2008 kadib howlgal militari oo Israel ay ka fulisay Gaza.

Xiriirka ayaa gebi ahaan burburay 2010 kadib markii 10 qof ay ku dhinteen weerar ay Israel ku qaaday Markab Turkish ah oo lagu magacaabo Mavi Marmara oo gargaar u sida Gaza, kaasi oo isku dayey inuu jebiyo xannibaad ay Israel kusoo rogtay.


Heshiis la gaaray 2016 oo dib loogu soo celiyey safiirrada labada dal ayaa burburay 2018, kadib markii 200 oo dadka Gaza ah ay toogasho ku dileen ciidamada Israel xilli ay dibadbax dhigayeen.

Madaxweynahga Israel Isaac Herzog ayaa booqasho taariikhi ah ku tegay Ankara bishii March, halkaasi oo uu kula kulmay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo kulanka ku qeexay “Marxalad isbeddel u ah xiriirka labada dal.”

AFP










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment