R/W Xamza oo shaaciyey 11 QODOB oo xukuumadda cusub ay diiradda saareyso

Bulsha:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay go’aanka ay xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ay ku meel-mariyeen xubnaha golaha wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya.

Kulankaan, oo uu shir-guddoomiyey guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo ay hareero fadhiyeen labadiisa ku xigeen, ayey xildhibaanadu si aqlabiyad leh oo ah 229 xildhibaan ku ansixiyeen xukuumadda, halka ay diideen 7 xildhibaan, waxaana ka aamusay 1 mudane.

Ansixinta xukuumadda kadib Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey golaha shacabka meel-marinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda, si ay u gutaan shaqooyinka adag ee laga sugayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in golahiisa wasiirrada uu ku soo xushay hannaan ku saleysan wada-tashi, aqoon, karti, khibrad iyo waayo aragnimo u fududeynaysa in ay waajibaadkooda gutaan, una adeeggaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ballan-qaaday in xukuumadda Dan-Qaran ay xoogga saari doonto wax ka qabashada arrimo dhowr ah oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah;

1- Arrimaha amniga oo ay qeyb ka tahay dhameystirka hannaanka amniga qaranka iyo la dagaallanka argagixisada, 2- garsoor madax-bannaan, 3- isku filnaansho dhaqaale, 4- horumarinta arrimaha bulshada, 5- qabyo tirka iyo dhameystirka dastuurka KMG ah, 6- horrumarinta hannaanka federaalka, 7- dib-u-heshiisiinta, 8- Hirgelinta nidaam doorasho mideysan oo dimuqraadi ah, 9- Dardargelinta wada hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland, 10- maamul-wanaagga, 11- iyo xoojinta xiriirka caalamiga ah, iyadoo laga duulayo aragtida madaxweynaha ee Soomaali heshiis ah, dunida heshiis la ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxa kale oo uu xusay in xukuumadda ay mudnaan gaar ah siin doonto wax ka qabashada dhibaatooyinka soo noq-noqda ee ugu horreyso abaarta iyo fatahaadaha ku dhufta qeybo kamid ah gobollada dalka.


Si kastaba, Tallaabada uu maanta qaaday baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa meesha ka saartay walaacii laga qabay in ay diidmo ka keenaan dhismaha xukuumadda qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka, taas oo maalmihii dambe aad usoo shaac baxaysay, kadib markii siyaasyiinta qaar ay dhaliileen qaabka uu wax u soo dhisay ra’iisul wasaare Xamza.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment