Pope Francis oo ku baaqay in la caawiyo Soomaaliya

Bulsha:- Pope Francis ayaa Axadii ku baaqay in Soomaaliya laga caawiyo sidii ay ula dagaallami lahayd abaarta halista ah oo ay Qaramada Midoobay sheegtay in ay barakicisay hal milyan oo qof.

Baadariga oo 85 jir ah ayaa soo jeediyay waxa uu ugu yeeray "dhibaatada bini'aadantinimo ee halista ah" ee ka jirta Soomaaliya iyo qaybo ka mid ah waddamada ku xeeran isaga oo ka. hadlayay Vatican-ka.

"Dadka gobolkan oo markii horeba ku noolaa xaalad aad u liidata, hadda waxay ku jiraan xilli ay dad u dhinteen abaarta," ayuu yiri Pope Francis.

"Waxaan rajeynayaa in si wadajir ah caalamku uga jawaabi karo xaaladda degdegga ah,nasiib darro, dagaalku wuxuu leexiyaa dareenka iyo kaalmadii, laakiin kuwani waa hadafyada u baahan ballanqaadka ugu badan - dagaalka ka dhanka ah gaajada, caafimaadka darrada, waxbarasha la'aanta." ayuu raaciyay.

Soomaaliya iyo dalalka dariska la ah Geeska Afrika oo ay ka mid yihiin Itoobiya iyo Kenya ayaa waxaa ku habsaday abaartii ugu darneyd muddo ka badan 40 sano kadib afar xilli oo roobabkii ay di’i waayeen, taas oo sababtay inay xaalufaan dalagyadii iyo xoolihii.

In ka badan 755,000 oo qof ayaa ka qaxay guryahoodii, kuna barakacay gudaha Soomaaliyaa, kuwaasoo marka lagu daro kuwa dibadda u qaxay ka dhigaysa hal milyan, sida ay Khamiistii sheegeen hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR iyo Norwegian Refugee Council (NRC).


"Gaajo ayaa hadda ka jirta dalka oo dhan," ayuu yiri Maxamed Cabdi oo ah madaxa NRC ee Soomaaliya.

AFP.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment