Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle oo ka shiray howlgallada ka socda gobolka Hiiraan

Bulsha:- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gudoonshay Shirka Golaha Wasiiradda Hirshabeelle oo lagu qabtay magaalada Jowhar.

Shirka Golaha ayaa looga hadlay Arrimaha Amniga, Dardargalinta Dhismaha Goleyaasha Deegaanka iyo Mashaariicda horumarinta Beeraha.

Madaxweynaha ayaa Wasaaradda Amniga gudaha ka dhageystay warbixinta howgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda degmooyinka Maxaas iyo Matabaan oo laga gaaray guulo muhiim ah iyadoo Ciidamada degaano badan la wareegeen.

Madaxweynaha ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha ka dhageystay warbixinta qorshaha kaga aadan dib u bilaabida dhismaha goleyaasha deegaanka iyadoo Wasaaradu sheegtay in dhowaaan ay bilaabi doonto dhismaha gole deegaan si bulshadu isu doorato.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa Golaha u soo gudbisay Warbixinta shaqooyinka socda ee lagu hagaajinayo Kanaalada biyaha iyo kuwa la rajeynayo in wax ka qabad lagu sameeyo, Wasaaradda Beeraha ayaa sidoo kale sheegtay in ay wadaan qorshe lagu horumarinayo beerista bariiska iyo dalagyada kala duwan oo faaiido wayn u leh bulshadeena.


Madaxweynaha ayaa bogaadiyay Xubnaha Golaha Wasiiradda isagoo kula dardaarmay inay dardargaliyaan qabashada shaqooyinka culus ee horyaala.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment