Ciidanka dowladda oo soo afjaray weerarkii maleeshiyada Al-shabaab ee hotel Xayaat 30 saac kadib

Bulsha:- Ciidamada ammaanka ayaa soo afjray weerarkii maleeshiyada Al-Shabaab ku gashay hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, kaasoo oo bilowday fiidnimadii Jimcaha, waxaana hadda guud ahaan dhismaha hotelka la wareegay ciidanka ammaanka.

Ugu yaraan 20 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarkaas oo ahaa midkii ugu wakhtiga dheera, in kasta oo tirada dhimashatu intaas ka badnaan karto, sida ay sheegayaan ilaha ammaanka.

Isbitaallada Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale gaarsiiyay dhaawacyo intaa ka badan, waxaana laga soo badbaadiyay tobabbaan qof oo kale.

Isagoo ka hadlayay bannaanka hotel Xayaat, ayaa taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar, waxa uu warbaahinta u sheegay in howlgallada amniga lasoo afjaray saqdii dhexe ee xalay, isaga oo intaas ku daray in 106 qof oo ay ku jiraan haween iyo caruur laga soo badbaadiyay hotelka.

Waxa uu sheegay in wasaaradda caafimaadku ay faah-faahin ka bixin doonto tirooyinka khasaaraha weerarkan.

Ma cadda tirada rasmiga ah ee maleeshiyada Al-shabaab ee weerarka kusoo qaaday Hotelkan iyo sida ugu fududaatay inay kusoo galaan, waloow weerarkan uu ku biloowday laba qarax oo ka dhacay bannaanka hore ee Hotelka.




Wariyaha VOA ee magaalada Muqdisho Cabdulqaadir Cabdulle ayaa kusoo warramaya in goor dhaweyd oo saaka ah dhismaha hotelka oo uu bur-bur xoog leh ka muuqdo loo oggolaaday saxaafadda.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment