Siyaasi mucaarad ku ahaa dowladda Sacuudiga oo lagu dilay Lubnaan

Bulsha:- Manea al-Yami oo ka mid ahaa siyaasiyiinta mucaaradka Sacuudiga ayaa lagu dilay dalka Lubnaan, waxaa sidaas sheegay xisbiga mucaaradka Sacuudiga ee Xisbiga Golaha Qaranka (NAAS) iyo ilo-wareedyo amni oo ku sugan Lubanaan.

War-saxaadeed uu soo dhigay twitter-ka, ayuu xisbiga NAAS, oo ah urur mucaarad ah oo ay maal-geliyaan Sacuudiyiinta dibad-joogga ah, ku sheegay in Yami Sabtidii “lagu khaarijiyey xaalad shaki badan oo ku jiro.”

NAAS ayaa dalbaday “baaritaan cad, daah-furan oo cadaalad ah” oo lagu sameeyo dilkan, wuxuuna intaas ku daray in mas’uuliyiinta Sacuudiga ay mas’uul ka yihiin inay ku guuldarreysteen ilaalinta muwaadiniinta xoriyad ku raadinaya dibadda.

Ciidamada ammaanka gudaha Lubnaan ayaa sheegay in 42 jir u dhashay Sacuudiga ay mindiyeeyeen laba ka mid ah walaalihiis oo muran qoys uu dhex-maray Sabtidii, ayaga oo aan shaacin magaca dhibbanaha.

Waxay intaas ku dareen in ciidamada ay xireen labada walaal Axaddii, islamarkaana ay qirteen dilka.

Ilo-wareed ka tirsan ciidamada ammaanka Lubnaan ayaa Reuters u xaqiijiyey in dhibanaha la dilay uu ahaa Manea al-Yami.

Safiirka Sacuudiga ee Lubnaan Waleed al-Bukhari ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku bogaadiyey dadaallada mas’uuliyiinta Lubnaan “ay daboolka uga qaadayaan xaqiiqda islamarkaana caddaaladda ku horkeenayaan dambiilayaasha.”


Yami, oo xubin ka ah bulshada Ismaili Muslim ee Shiicada laga tirada badan yahay ee Sacuudiga, ayaa ku noolaa Lubnaan tan iyo 2015, sida uu sheegay Yahya Assir oo xubin sare ka ah xisbiga NAAS.

Yami ayaa 2020 gacan ka gaystay aasaaska xisbiga NAAS. Kooxdan ayaa u ololeysa in doorashooyin baarlamaan laga qabto Sacuudiga, lana helo dastuur ilaaliya kala madax-banaanida laamaha sharci-dejinta, garsoorka iyo fulinta ee dowladda.

REUTERS










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment