Qarax ka dhacay Muqdisho oo lagu dilay Xaashi Cumar oo 16 sano ku xirnaa Talyaaniga

Bulsha:- Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax ka dhacay degmada Dharkaynlay duhurkii maanta uu ku geeriyooday Xaashi Cumar Xasan oo horey muddo ka badan 16 sano ugu soo xirnaa dalka Talyaaniga.

Qaraxan ayaa ilo wareedyo sababo ammaan u diiday in magacooda la sheegao waxay VOA u sheegeen inuu ka dhashay aalad qaraxda oo lagu xiray baabuurka. Ilaa hadda booliiska Soomaaliya ayaan rasmi ahaan uga hadlin qaraxa.

Xaashi Cumar ayaa horey loogu helay dilka laba saxafi oo u dhashay Talyanaiga oo lagu kala magacaabo Ilaria Alpi iyo Miran Hrovatin oo sannadkii 1994-kii lagu dilay Muqdisho.

Xukunka ku dhacay Xaashi Cumar ayaa maxkamaddu ka laabatay sannadkii 2016-kii kadib markii caddaymo cusub la helay.

Dhinaca kale qarax ka dhacay degmada Afgooye ayaa lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta ee degmadaas.


Sarkaalka ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Madoobe waxaanu ahaa taliyaha rugta tadaamun ee ciidanka Daraawiishta.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment