DF oo laba diyaarad ciidamo uga dajisay Beledweyne + Ujeedka

Bulsha:- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ka dajisay ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor.

Ciidamada laga dajiyey magaalada Beledweyne ayaa gaaraya illaa 100 askari oo ka tirsan Gorgor, kuwaas oo magaalada Beledweyne lagu geeyey laba diyaarayood.

Ciidamada ayaa watay hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la dajiyey garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif.

Ujeedada ciidamadaan loo geeyey magaaladaas ayaa lagu sheegay inay tahay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen howlgalka gobolka Hiiraan looga sifeynayo kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Maanta Beledweyne tagay ayaa waxaa la filayaa inay maalmaha soo socdo kusoo biiraan 200 oo kale iyo gaadiidka dagaalka si loo xoojiyo howlgalka lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

Sida ay ogaatay shabakadda Caasimada Online, madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa ciidamadaan ka dalbaday dowladda dhexe.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa muddo 4 asbuuc ah wuxuu ku sugan yahay deegaanada u dhaxeeyo Beledweyne iyo Matabaan halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo badan oo kuwa dowladda ah.

Ciidamada dowladda ayaa dhawaan deegaano badan oo hoos taga Matabaan waxay kala wareegeen ciidamo ka tirsan kuwa Al-Shabaab oo halkaas ku lahaa saldhigyo ciidan.


Magaalada Beledweyn ayaa waxaa horey u joogay 300 ka tirsan ciidamada Gor-gor kuwaas oo halkaas la geeyey waqtigii doorashada xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment