Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtay

Bulsha:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah oo qaadatay afar maalmood ku joogay waddanka Ereteriya ayaa dalka dib ugu soo laabtay.

Booqashada Madaxweynaha ayaa salka ku haysay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal iyo u kuur-galidda xaaladda guud ee ay ku sugan yihiin ciidamada Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu ku sugnaa dalka Ereteriya waxaa uu xerooyinka ku booqday Ciidamada Soomaaliya loo tababarayo, kuwaas oo muddo sanado ah wacaalkooda la la’aa, isla markaana waalidiintooda ay ka walaacsanaayeen.

Labada Madaxweyne ayaa gunaanadkii booqashada kala saxiixday heshiis is af-garad oo taabanaya dhinacyo kala duwan oo ay kamid yihiin niga, Siyaasadda iyo Ganacsiga.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment