Bulsha:- Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Wasiirkiisa Maaliyadda Xasan Shire Abgaal ayaa kulan gaar ah waxa ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka aan Bada leheyn ee Itoobiya.
Deni oo ka soo laabtay dalka Imaaraatka Carabta ayaa shalay ka dagay Addis, halka wasiirka maaliyada Puntland Abgaaloow uu isna ka soo laabtay socdaal uu maalmahan ugu maqnaa dalka Sweden, labada mas’uul ayaa iska xog wareystay xaaladihii u danbeeyay ee Puntland iyo jihada ay tahay in wax laga bilaabo.
Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in arrimaha kulankooda diirada ku saareen ay qeyb ka tahay dagaalkii Isniintii ka dhacay magaalada Boosaaso ee ay ku dhinteen 15-ka qof iyo go’aankii ay marka 2-aad baarlamaanka Puntland ku diideen golaha garsoorka maamulkaasi oo uu hormuud u ahaa gudoomiyaha maxkamadda sare.
Wararka la helayo waxey kaloo tilmaamayaan in Madaxweyne Deni iyo wasiir Xasan Abgaal sidoo kale la filayo in ay saacadaha soo socda Garoowe yimaadaan si ay u sii wadaan kulamada lagu dejinayo xaaladda siyaasadeed ee Puntland.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment