Baarlamaanka Puntland oo diiday iney ansixiyaan mas’uuliyiin uu soo magacaabay Deni.

Bulsha:- Wararka ka imanaya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in baarlamanka Puntland uu maanta diidey in ay ansixiyaan mas’uuliyiinta Maxkamadda-sare ee Puntland oo dhawaan uu madaxweyne SiciidDeni magacaabay.

Sida wararka la helayo ay tilmaamayaan, Fadhiga Golaha Wakiillada oo ay soo xaadireen 43 mudane waaxa diidey 23 mudane, 11 ayaa oggolaatay halka ay 9 kale ka aamuseen.Golaha ayaa madaxweyne Deni ka dalbaday in uu dib u soo dhiso Maxkamadda-sare.

Si kastaba, Mas’uuliyiinta maanta la diidey waxaa kamid ah: Guddoomiyaha Maxkamadda-sare, Axmed Taaraan oo dhawaan diidey in uu hortago golaha.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment