Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu weeraray Muqdisho.

Bulsha:- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed oo xalay lagu qaaday hoyga uu Muqdisho ka degan yahay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad.

Xildhibaanka la weeraray oo lagu magacaabo Jibriil C/rashiid Xaaji oo laga soo doortey degmada ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa ka badbaaday weerarkan oo lagu qaaday hoyga uu ka degan yahay xaafadda Taleex ee degmada Hodan.

Saraakiil laamaha amaanka ah ayaa sheegay inuu jiro khasaare dhaawacyo ku kooban oo soo gaaray ilaalada xildhibaanka, kuwaasoo loola cararay xarumaha caafimaadka si loogu dabiibo, askarta ayaa la sheegay in qaarkood ay xaaladooda adag tagay.


Taliyaha booliska degmada Hodan Xuseen Cadceed iyo ilaaladiisa ayaa daqiiqado kadib tagay halka weerarka uu ka dhacay, iyagoo sameeyay howlgalo baaritaana ah, walow ay ku guul dareysteen iney gacanta ku soo dhigaan dambiilayaashii falkan geystay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment