Wararkii u danbeeyay dilka taliyihii booliska magaalada Qardho.

Bulsha:- Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil saaka ka dhacay magaalada Qardho, kaasoo loo geystay sarkaalkii ugu sareeya ciidamada booliska ee magaalada.

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cumar Hiiraad Kaatuun ayaa ahaa taliyihii saldhigga Booliska magaalada Qardho, Waxaana dilkiisa geystay koox cabtooy ah oo daroogo isticmaasha oo uu doonayay inuu xir xiro, xiliga la dilayay waxaa la sheegay inuu ku jiray howlgal.

Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Siciid Cismaan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dilka marxuumka inkastoo uusan faahfaahin dheeriya ka bixin sida wax u dhaceen iyo waxa dilka loo adeegsaday.

Wararka la helayo waxay sidoo kale sheegayaan in ciidamada amniga ay gacanta ku soo dhigeen qaar kamid ah dadka loo heysto falkan, halka kuwo baxsadayna ay ku raad joogaan hay’adaha amniga, waxaa sidoo kale socda qaban qaabada aaska Cumar Hiiraad Kaatuun taliyihii saldhigga Booliska magaalada Qardho.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment