Xil. Sacdiya oo noqotay haweenaydii ugu horraysay ee ku sime madaxweyne ka noqota Soomaaliya

Bulsha:- Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ay noqotay ku-simaha madaxweynaha Soomaaliya kadib markii uu safar debedda ah ugu kicitimay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaan Sacdiya ayaa xilkan qabanaysa maadaama uu waddanka ka maqan yahay Guddoomiyaha Aqalka Hoose Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe. Arrintan ayaa ah mid taariikhi ah, waana markii ugu horraysay ee Soomaaliya ay ku-sime madaxweyne ka noqoto hoggaamiye dumar ah.

Xildhibaan Sacdiya ayaa ah haweeynaydii ugu horraysay ee loo doorto xilka guddoomiye ku xigeenka Aqalka Hoose ee baarlamaanka. Sida uu dhigayo sharciga Soomaaliya, haddii madaxweynaha iyo guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanku ay isku mar safar debedda ah u wada baxaan, waxaa xilalkooda sii haynaya Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Hoose.


Xildhibaan Sacdiya ayaa sii ahaan doonta ku simaha xilalka madaxweynaha iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka inta uu dalka kaga soo laabanayo mid ka mida labada masuul ee ay xilalkooda sii hayso.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment