Maxaa ku soo kordhay qorshihii ay UK ku dooneysay in muhaajiriinta hadda kadib la geeyo Rwanda?

Bulsha:- Ra'iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa Sabtida maanta ah sheegay in uu ku kalsoon yahay sharci ahaanshaha qorshaha dowladdiisa ay dadka magangelyo-doonka ah ugu direyso Rwanda kadib markii duulimaadkii ugu horeeyay ay hor istaagtay maxkamada xuquuqul insaanka ee Yurub.

Maxkamadda ayaa Talaadadii amartay in la joojiyo tarxiil qorsheysnaa ee dhowr qof oo muhaajiriin ah oo saarnaa diyaaraddii u qaadi lahayd Rwanda, waxaana uu Johnson go’aankaasi ku tilmaamay “hakintii ugu darneyd oo timid daqiiqaddii ugu danbeysay.”

“Maxkamad kasta oo dalkan ah waxa ay sheegtay in aysan jirin wax caqabad ah oo ay arki karaan, ma jirto maxkamad dalkan ah oo go’aamisay in siyaasaddani ay tahay sharci-darro, taasi oo ahayd mid dhiirigelin weyn ah,” ayuu Johnson u sheegay wariyeyaasha.

“Aad ayaan ugu kalsoonahay sharcinimada, caddaaladnimada waxa aan qabaneyno, waxa aanna dooneynaa in aan sii wadno siyaasaddan.”

Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Britain Priti Patel ayaa ku sheegtay wareysi Sabtida maanta ah la daabacay in faragelinta maxkamadda Yurub ee ay ku hakisay duulimaad lagu waday in uu dad magangelyo-doon ah loogu tarxiilo dalka Rwanda uu ahaa mid siyaasadeysan.


“Waa in aad eegtaa sababta,” ayay u sheegtay Daily Telegraph, ka dib markii maxkamadda Yurub ee Xuquuqda Aadanaha (ECHR) ay arrintan soo faragelisay Talaadadii, xilli ay diyaarad ku wajahan Kigali ay kici lahayd.

“Maxay u qaateen go’aankaas? Ma waxa ay ahayd mid siyaasadaysan? Anigu waxaan qabaa in uu sidaas yahay, gabi ahaanba.”

Dowladda Ingiriiska ayaa ballanqaaday in ay adkeyn doonto xuduudeheeda ka dib markii ay kordheen tirada muhaajiriinta ee dalkeeda kaga soo gudbaya dhinaca waqooyiga Faransiiska.

Dadka ilaa hadda la qabtay ayaa gaaraya 11,000 oo qof oo ah ku dhowaad laba jibaar tiradii sanadkii hore oo dhan.

Laakin heshiis muran badan dhaliyay oo ay Rwanda la gashay si dalkaasi loogu diro qaar ka mid ah dadka magan-galyo doonka ah ayaa caro dhaliyay.

Ilaa 130 magan-galyo doon ah ayaa markii hore loo qorsheeyay in ay raacaan duulimadkii Talaadadii, balse qof la tarxiilay ma jiro ka dib caqabado isdaba joog ah oo dhanka sharciga ah oo xuquuqda aadanaha la xiriira.

REUTERS iyo AFP










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment