Qaramada Midoobay :- Heshiiskii xabbad-joojinta Yemen oo markale la cusboonaysiiyey

Bulsha:-  Qaramada Midoobay ayaa sheegtay maanta oo Khamiis ahayd in dhinacyada ku lugta leh dagaalka dalka Yemen inay ku heshiiyeen inay dib u cusboonaysiiyaan xabbad joojin dalka oo dhan ah muddo laba bilood oo kale ah.

Dedaalada dib loogu cusboonaysiiyey xabbad-joojinta ayaa rajo gelinaya dadweynaha dalkaas ku nool oo sagaalkii sano ee ugu dambeeyey ku dhex noolaa dagaalo sokeeye oo dalkaas ka socday, hase ahaatee weli waxaa jira caqabado kala duwan oo ku gedaaman in la gaadho nabad waarta oo si rasmi ah loogu soo afjaro colaadda dalka Yemen.

Xabbad-joojinta u dhaxaysa dawladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen iyo weliba mucaaradka Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto ayaa dhaqan gashay 2-dii bishii April ee sannadkan, inkasta oo marar kala duwan uu dhinacba dhinaca kale ku eedeeyey inuu ku xadgudbay heshiiska xabbad-joojinta ah ee la gaadhay.


Dib u cusboonaysiinta xabbad-joojinta dalka Yemen ayaa ku soo beegmaysa iyada oo maanta ay ku ekayd inay dhamaato xabbad-joojintii hore ee labada bilood ahayd. Qaramada Midoobay ayaa dedaal badan ku bixisay sidii natiijo iyo is-faham looga gaadhi lahaa colladda dalka Yemen, iyada oo ka odayaysay in heshiiska xabbad joojinta ah la gaadho.

AP










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment