Dalka Turkiga:- Sicir-bararka ayaa gaaray meeshii ugu sarreysay muddo 24 sano ah

Bulsha:- Sicir-bararka dalka Turkiga, ayaa bishii May gaaray 73.5% oo ah heerkii ugu sarreeyay muddo 24-sano ah, kaas oo ay sabab u tahay dagaalka ka socda Ukraine oo kor u qaaday qiimaha tamarta iyo hoos u dhac ku yimid lacagta Liraha, in kasta oo markii horeba dhaqaaleyannadu saadaaliyeen sare u kacan.


Sicir-bararka ayaa kor u kacay tan iyo dayrtii hore, markaas oo lacagta Liraha ay hoos u dhacday kadib markii bangiga dhexe uu bilaabay isbedel lagu fududeynayo heerka dulsaarka oo gaarayay 500 oo uu codsaday Madaxweyne Tayyip Erdogan.

Tirada ugu dambeysay ayaa kor u dhaaftay 73.2%, waana kii ugu sarreeyay tan iyo bishii Oktoobar 1998-kii, markaas oo sicir-bararka sannadlaha ahi ahaa 76.6%, waxaana Turkigu la halgamayay sidii loo soo afjari lahaa toban sano oo sicir-barar ah.

Si kastaba ha ahaatee, saadaasha la isku raacsan yahay ayaa ahayd in sicir bararka sanadlaha ah uu kor u kaco ilaa 76.55%.

Qiimaha raashinka iyo gaadiidka ayaa kor u kacay 108% iyo 92% sannadkii la soo dhaafay, taas oo muujinaysa dhibaatada dhaqaale ee sii xumaanaysa ee dadka Turkiga ah ee la halgamaya inay soo iibsadaan waxyaabaha aas-aasiga ah.


Dowladdu waxay hore u sheegtay in sicir-bararku uu hoos u dhici doono sanadka soo socda iyada oo la raacayo barnaamijkeeda dhaqaale ee cusub - iyada oo mudnaanta siinaysa heerka dulsaarka hooseeya, si kor loogu qaado wax soo saarka iyo dhoofinta.

Reuters.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment