Madaxweyne Qoor Qoor oo sheegay in Madaxda & Shacabka Galmudug u diyaarsan yihiin la-dagaalanka Al-Shabaab

Bulsha:- Madaxweynaha dowlad Gobolka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa sheegay in degaannada Galmudug ay kajiraan dhibaatooyin ay sabab u yihiin Al-Shabaab iyo abaar baahsan.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayay munaasabad lagu soo dhaweeynayay Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu sheegay in dhibaatada abaaraha ay saameyn weyn ku yeelatay Bulshada degaannada Galmudug.

Isaga oo ka hadlayay Arrimaha Amniga ayaa waxaa uu sheegay Madaxweyne Qoor Qoor in Galmudug ay kujirto dagaal joogto ah, isla markaana u diyaarsan yihiin Shacabka & Madaxda Galmudug inay la dagaalamaan Al-Shabaab.

Hadalkaan kasoo yeeray Madaxweynaha dowlad Gobolka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa kusoo aadaya xilli dhowr jeer degaannada Galmudug ay ku dagaalameen Ciidamada dowladda oo taageero kahelaya dadka deaanka iyo Al-Shabaab













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment