Bulsha:- Ciidamada Ruushka ayaa ku sii siqaya magaalada Sievierodonetsk, iyadoo ciidamada Ukraine ay weli sameynayaan iska caabin adag.
Wasiirka difaaca ee Ukraine ayaa sheegay in ciidamadiisa ay filayaan iney ku hawlgalaan gantaallo horumarsan oo ay toddobaadkan ballan qaadeen Maraykanka iyo Ingiriiska, kaasoo Kyiv rajaynayo inuu gacan ka geysto in dagaalka uu ku guuleysto toddobaadyada soo socda.
Dagaal ay wadamada reer galbeedku aaminsan yihiin in Ruushku qorsheeyay in uu ku guulaysto saacado gudahood waxa uu socdaa muddo ka badan saddex bilood, iyadoo Moscow laga saaray caasimadda balse ay weerar cusub ku qaadday bariga.
Toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa la arkayay Ruushka oo ku qulqulaya ciidamadooda dagaalka Sievierodonetsk, oo ah magaalo warshado yar yar leh oo ku taalla bariga, taasoo ay tahay in Ruushku qabsado si uu u gaaro hadafkiisa la sheegay in uu ku hayo dhammaan gobolka Luhansk.
Labada dhinacba waxay isku weerar iyo weerar celis kaasoo keeni kara in dagaal muddo dheer socda.
“Waan ka xumahay in aan sheego in ciidanka Ruushku ay ku guulaysteen in ay si qoto dheer u soo galaan magaalada, waxa ay gacanta ku hayaan inta badan magaalada,” Badhasaabka gobolka Ukraine Serhiy Gaidai ayaa sidaa u sheegay warbaahinta.
Wasiirka gaashaandhigga Oleskiy Reznikov ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Ukraine ay xoogaa guulo ah ka gaareen magaalada Sievierodonetsk habeenimadii xalay, inkastoo uu sheegay inay goor hore tahay inuu tafaasiil ka bixiyo.
Washington waxay in sheegtay toddobaadkan inay rajaynayso in ku dhawaad saddex toddobaad oo tababar ah loo baahan doono ka hor inta aanay Ukraine bilaabin adeegsiga gantaallada, kuwaas oo ku dhici kara khadadka sahayda dambe ee Ruushka oo gacan ka geysan kara in la hakiyo duulaanka Ruushka.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment