Kenya oo sheegtay inay ka xun tahay in calanka Somaliland la keenay kulankii diblomaasiyiinta

Bulsha:- Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay ka xuntahay in calanka Somaliland uu yaallo kulankii uu diblomaasiyiinta shisheeye la lahaa madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ee shalay lagu qabtay magaalada Nairobi.

Kenya ayaa arrintaas ku tilmaantay “mid aan ku iman ula-kac oo aan munaasib ahayn”.

Waxay sheegtay Kenya inay mar kale xaqiijinayso inay aqoonsan tahay madaxbannaanida Soomaaliya oo ay ka jirto dowlad keliya oo federaal ah oo Soomaaliyeed iyo jiritaanka qaranka Soomaaliyeed.

Kenya waxay sheegtay inay aad uga xuntahay wixii weji-gabax ah ee ay Soomaaliya arrintaas kala kulantay.

Tallaabadan ayaa ka dambaysay markii shalay safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsana uu ka baxay kulanka diblomaasiyiinta ajaanibtu la lahaayeen madaxweyne Kenyatta taasi oo uu kaga dacwoonayey joogitaanka wakiil ka socda Somaliland oo kulanka joogay “lana siiyey xuquuq la mid ah” tan diblomaaisyiinta kale.

Soomaaliya ayaa ka dalbatay Kenya inay tallaabadaas sharraxaad ka bixiso.


Dhinaca kale maamulka Somaliland ayaa sheegay inay ka xun yihiin “ficillada” uu ku kacay safiirka Soomaaliya ee Kenya. War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somaliland ayaa lagu sheegay in ka bixitaanka safiirka Soomaaliya ee kulanka uu la xiriiray fikradaha uu ka qabay ka qaybgalka Somaliland ee munaasabadda.

Waxay sheegtay Somaliland in tallaabadaas ay muujinayso “nacaybka iyo cadaawadda qotada dheer” ee Soomaaliya u qabto Somaliland iyo dadkeeda.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment