Ergeyga gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha oo gaaray magaalada Buulo-burde oo 10 sano go’doon ah.

Bulsha:-  Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa safar gaaban maanta ku tagay magaalada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

U-jeedka socdaalka Ergeyga oo ay wehiliyaan xubno ka socda Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP iyo UNHCR, ayaa ku qotoma u-kuur-galidda xaaladdaha abaaraha iyo nolosha danyarta abaaruhu saameeyeen, isagoo kormeer iyo indha-indheyn ku tagay, xeryo barakac oo ku yaalla magaaada.

Ergeygu Kaamamka aadka u daran ee uu kormeerka ku tagay waxaa ka mid ah, MADIINO & WADAJIR, kuwaasoo ay ku jiraan in ka badan 9,000 oo barakacayaal ah, sidoo kale wuxuu tagay ceelka ‘Bashiir Xaaji’ oo barakacayaashu biyaha ka cabaan, kaas oo hadda qarka u saaran inuu xirmo, sababo la xarrira inuu iska bixi la’yahay shidaalkii matoorka.

Buulo-burde waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ay ku qulqulayaan dadka abaaraha ku ceyrtoobay, kadib afar xilli roobaad oo baaqday, isla-markaana ay yar tahay rajada laga qabo in ay si buuxda u hoorto Deyrta (Autumn) la sugayo bilaha September, October iyo November.

Barakacayaasha ku jira xerooyinka uu booqday ergayga ayaa u badan carruur, haween iyo dad da’ ah, wuxuuna Dowladda Federaalka, deeq-bixiyayaasha caalamiga ah, kuwa aan caalimiga ahayn iyo umadda Soomaaliyeed ee wax heysata ugu baaqay in gargaar iyo gurmad degdeg ah lala soo gaaro dadkaas.


Ergayga ayaa sidaan oo kale, dhamaadkii bishii hore socdaal indha-indheyn ku tagay xerooyin barakac oo ku yaalla magaalada Baydhabo, halkaasoo si daran looga baahan yahay nafaqeynta haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya, carruurta da’doodu ka yar tahay shan sano, iyo dadka da’da ah.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment