Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo fariin culus u diray madaxweyne Xasan Sheekh.

Bulsha:- Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cisman ayaa ka dalbaday madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu dar dar galiyo howlgallada haatan ka socda wadada xiriirisa magaalooyinka Beledweyne iyo Matabaan.

Jeyte ayaa wariyayaasha u sheegay in haatan howlgallada xoogooda uu ka socda dhulka buuraleyda ee gobolka Hiiraan, ayna wadaan ciidamada Xoogga qaybtooda 27-aad, wuxuuna ka codsaday madaxweynaha dalka iyo wasaarada gaashaandhigga iney howlgaladan halkooda ka sii wadaan si dalka looga saaro kooxda Shabaab.

“Waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhiga in shacabka laga dulqaado nimanka dhiigyo cabka ah ee caadeystay in ay dhiigga shacabka baneystaan,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan.


Gobolka Hiiraan ayaa kamid ah meelaha ay ku xooggan yihiin kooxda Shabaab, waxaana halkaasi ku sugan ciidamo Jabuitiyaan ah oo kamida howlgalka ATMIS ee ka socda dalka, kuwaasoo inta badan aan duulaan ku qaadin deegaanada Shabaab, marka laga reebo iney howlgalo sameeyaan xiliyada qaraxyo ama weerar toosa lagu soo qaado.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment