Bulsha:- Mas’uuliyiinta gobolka Texas ee koofurta Mareykanka ayaa sheegay in la helay meydadka 46 tahriibayaal ah oo Isniintii ku dhex dhintay baabuur weyn oo ah kuwa xamuulka, waxaana madaxa dab damiska magaalada San Antonio Charles Hood uu u sheegay wariyeyaasha in 16 qof oo kale oo ay afar caruur ah ay ku jiraan isbitaalka loo qaaday si looga daweeyo dhaawacyo ay kala kulmeen kuleelka.
Gaarigan xamuulka ah ayaa laga helay agagaarka wadada tareenada tuulo ku taalla duleedka koonfureed ee San Antonio. Heerkulka magaaladan ayaa kor u dhaafay 39 darajo Celsius (103 darajo Fahrenheit) maalintii Isniintii oo uu sido kale jiray huur badan.
Booliska San Antonio ayaa sheegay in aysan wali garaneyn halka ay kasoo jeedaan dadkii ku dhintay gaariga xamuulka ah, iyadoo hay'adaha federaalka mas'uul ka yihiin aaritaanka dhacdadan.
Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mexico Marcelo Ebrard ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in sida uu sheegay qunsulka Mexico oo tagay meesha ay ka dhacaday arrintan in dadka isbitaalka loo qaaday ay ku jiraan laba qof uu dhashay Guatemala.
Ebrard waxa uu sheegay in gaarigan uu lahaa taariko Maraykan ah, isla markaana ay u badan tahay in dhacdadan ay ka dambeeyeen dadka wax tahriibiya.
Dhacdadan ayaa ah mid ka mid ah kuwa ugu dhimashada badan ee soo gaarta tahriibayaasha u kala gudba xuduudda dalalka Mareykanka iyo Mexico.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment