Bulsha:- Musharraxa xilka Madaxweynaha Somaliland ee Xisbiga mucaaradka ah Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa ka hadlay sababta ka danbeysa is casilaada xubnihii guddiga doorashada Somaliland.
Mr. Cirro oo taageerayaashiisa oo isugu soo baxay Maqaaxi ku taalla Hargeysa kula hadlayay ayaa sheegay inuu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku qanciyay guddiga doorashada iney iska kala dareeraan, si aysan ugu qaban doorashada madaxweyne waqtigeeda.
“Komishinkii Doorashooyinka qaranka waxa uu Muuse ku guuleystay in uu xabad-xabad u tanaasuliyo oo lagu qasbay in ay tanaasulaan, taasi micnaheedu waa in uusan qaban doorasho, waxa aan taa ka leeyahay, Doorasho la’aan halkaas kuma joogeysid, Dadkuna way isku soo baxayaan, aniga ayaa hoggaamin doono oo waqtiga iyo goobaha waan idinku wargelin doonaa ee diyaar u ahaada” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa dhinaca kale ku adleysanaya iney qabanayaan banaannaxa ay ki dalbanayaan in doorashooyinka la qabto xiligeeda, isagoo ciidamadda uga digay iney dadkooda rasaas nool nool u adeegsadaan, maadaama banaanbaxayaasha aysan hubeysneyn.
“Isusoobaxa nabadgalyo waa xaq dastuuri uu shacabka leeyahay oo cidi aanay ka qaadi Karin, isusoo baxaas wuu dhacayaa aniga ayaa hoggaaminaya, ciddii xabbad ku rideysa Shacab dibadbaxaya oo aan hubeysneen hasoo rido, Muuse Biixi waxa aan leeyahay xilka xoog kuma qabsan ee qabo doorasho, haddii aad ku guuleysatid joog haddii lagaa helana dhiib, muddo kordhin ma jirto ” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.
Si kastaba, Somaliland ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka taagnaa dood la xiriirta doorashada, waxaana laga yaabaa in is-casilaada guddiga doorashada ay xaaladda uga sii darto.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment