Xaalka caawa dhuuso mareeb,galmudug oo hub & gaadiid soo bandhigtay ay qabsadeen

Bulsha:- Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanaya magaalada dhuuso mareeb ee caasimada galmudug ayaa sheegaya in xaalada weli ay cakiran tahay marka la eego khasaaraha iyo rasaas weli la maqlayo.

Dhinacyada dagaalamaya oo mid walbo guulo sheeganayo kasokoow waxaa jira dad warkooda loo qaateyn yahay oo aan la hadalnay kana madax banaan dhinacyada dirirta udhaxeyso.

Saldhiga Booliska Dhuuso mareeb,agagaarka xero inji,Cusbitaalka weyn,aagga Siinaay,xaafadaha waxar cade iyo waaberi ayaa ka mid ah meelaha dagaalka xoogiisa maanta uu ka dhacay.

Hoobiyeyaal ayaa ku dhacay xaafado ay shacabku degganaayeen waloow ay badi dadka markii hore iskaga barakacay waxaana jira khasaaro xoog leh oo dhinacyada dagaalamay soo kala gaaray.

Xaalada caawa waa ay deggan tahay marka la eego dagaal toban saacadood kabadan ka socday xaafadaha dhuuso mareeb oo ay Ahlusuna qeyb ka mid ah magaalada maanta qabsadeen.

Gurmad xoog leh oo ay heleen ciidamada dawlada iyo galmudug ayaa lasoo sheegayaa inay usahlanaatay dib uqabsadaan goobihii Ahlusuna ay la wareegtay.

Saraakiisha ciidamada dawlada iyo kuwa Galmudug ayaa waxay soo bandhigeen gaari cabdi bile ah oo ay sheegeen in ay Ahlusuna ka qabsadeen,hub ay ku jiraan daba jeexyo iyo AK47 ayaana ka mid ahaa.

Ciidanka Ahlusuna ayaa gebi ahaanba caawa kusugneyn goobihii ay joogeen maanta ee dhuuso mareeb,iyadoo ciidamo katirsan dawlada oo ruqaansaday dhinaca degmada guriceel ayaana lasoo sheegayaa in ay ku dhaw yihiin deegaanka bohol oo ah saldhiga ugu weyn ee Ahlusuna ku laheyd gobolka gal gaduud ayna weerarada kasoo qaadayeen.

Warar la helay ayaa sheegaya in saraakiil sar sare oo katirsanaa Ahlusuna lagu dilay dagaalkii maanta ka dhacay dhuuso mareeb iyadoo la sheegayo in la dhaawacay general haanbocor oo ahaa hogaamiyihii ciidanka Ahlusuna ee saaka weeraray caasimada galmudug,inkastoo weli xoogaga ahlusuna aysan ka hadlin warkaasi soo baxay.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment